Mucjiso: Haweenay Ilmo dhashay iyadoo aan wax Uur ah Isku Ogayn

Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa qabsatay hadal heynta warbaahinta iyo baraha bulshada, kadib markii ay dhashay cunug aysan uurkiisa xitaa ka war qabin.

Kylie Hagger oo 21 jir ah ayaa dukaan ku yaalla meel xaafad ah ka dalbatay suuli, iyadoo moodeysay inay xaajo caadi ah u baahan tahay.

Hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay markii ay suuligii kasoo baxday iyadoo wadata cunug yar oo ay hooyo u tahay.

Miss Hagger ayaa sheegtay in iyada lafteeda ay lama filaan ku noqotay arrintan, maadaama aysan wax war ah ka heynin in ay uur lahayd.


Dhacdadan fajicisada noqotay ayaa dacday maalintii Khamiista ahayd ee isbuucan.

Shaqaalihii dukaanka ayaa si deg deg ah ugu gurmaday si ay u caawiyaan, balse waxay umushay kahor inta aysan kalkaaliyeyaasha imaanin.

Haweeneydan ayaa waxa dhacay ku tilmaantay “layaab, balse waxay sheegtay inay u ahayd maalin cajiib ah”.

Waxay u mahad celisay howl wadeennada goobta ganacsiga iyo dhammaan dadkii shacabka ahaa ee garab istaagay isla markaana ugu deeqay qalabka carruurta.

Hooyadan ayaa horay u lahayd 2 carruur ah, mana aysan ogeyn goorta ay uurka yeelatay iyo sida ay waqtigeeda ku dhameysatay toona.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Vivienne Hagger ayaa xaqiijisay in qoyska oo idil ay arrintan la yaabeen.

Shaqaalaha dukaanka ayaan u kala harin caawinta hooyada
Warka ku saabsan dhalashadan kadiska noqotay ayaa lagu shaaciyay bog ka mid ah bogagga Facebook-ga, halkaasoo Mrs Hagger ay ku qortay: “Waxaan u baahan nahay naxariista bulshada Wisbech, gabadheyda ayaa cunug ku dhashay suuli ku yaalla magaalada, wax diyaar garow ah ma aysan sameynin, maadaama aysan ka warheynin uurkeeda, qof walba oo ugu deeqa qalabka carruurta waa loo mahad celinayaa”.

‘U yeer Umulisada’

Dadweynaha ku nool magaalada ayaa isu soo baxay si ay u caawiyaan haweeneyda “sida mucjisada ah u dhashay”, maalintii Jimcada ahaydna hooyada waxay baraha bulshada soo dhigtay sawir laga qaaday iyada iyo cunugeeda.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahad celiyo cid walba oo noogu deeqday qalabka kala duwan ee carruurta, runtii waan idiin mahad naqeynaa”, sidaas ayey kusoo dul qortay sawirka, iyadoo sii raacisay: “Aniga iyo ninka yarba caafimaadkeennu wuu wanaagsan yahay”.

Milkiilaha dukaaka ay haweeneydan suuligiisa ku umushay ayaa sheegay in dhacdadaas ay qaadatay wax ka yar 10 daqiiqo, waxaana erayadii ay dadku ku dhawaaqayeen ka mid ahaa ‘u yeer umuliso’.

“Horay waan u aragnay dad dukaankeenna ku umulay, laakiin waligeed tanoo kale ma dhicin”, ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker