Roobab Badan Oo La Saadaaliyey In Somaliland Toddobaadkan Heli Doonto & Baraarujinta Bulshada Ee Ah Inay Keydsadaan Biyaha Roobka

Nairobi- (OWN)- Hayโ€™adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan. Sida lagu sheegay qoraal hayโ€™addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi;

โ€œBaddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka daโ€™i doonaan..

Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka daโ€™a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya.

Si kastaba, Saadaasha ay hayโ€™adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faaโ€™iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker