Ciyaartooy Carabeed Oo Diiday inuu Ka Hortago Ciyaartooy u dhashay Israa’iil

Fatxi Nuureyn oo u dhashay dalka Algeria kana qeybgalaya tartanka ciyaaraha Olimbikada ee ka furmay Tokyo ayaa isaga hadhay tartanka kadib markii uu diiday in uu ka hortaggo ciyaartooy kale oo u dhashay Israa’iil.

Nuureyn oo 30 jir ah ayaa Isniinta lagu waday in uu la ciyaaro Maxamed Cabdirasuul oo u dhashay Suudaan xilli uu bilaabmayo wareegga koowaad ee tartanka qaadidda 73 Kiilo.

Haddii uu ku guuleysan lahaa tartankaas, waxay ka dhigneyd in wareeggga labaad uu la ciyaari lahaa Tohar Butbul oo u dhashay Israa’iil.

Isaga oo la hadlayay teleefishinka dowladda wuxuu sheegay in uusan ‘dooneyn in gacmahiisa uu iska wasakheeyo’.

Wuxuu intaas ku daray in taageerada uu hayo Falastinin darteed uusan u wajahi karin ninkaas u dhashay Israa’iil.

“Waxaan dadaal adag gelinayay sidii aan usoo gaarin laheyn tartankan Olimbikada balse waxan oo dhan waxaa ka weyn qadiyadda Falastiin” ayuu yidhi Nuureyn.

Nuureyn wuxuu sanadkii 2019 isaga haray taratankii Olimbikada ee lagu qabtay Tokyo xilli la filayay in uu la ciyaaro ciyaartooygan u dhashay Israa’iil ee lagu magacaabo Butbul.

“Waxaa nasiib darro ah in aan isaga baxo tartanka, waxaan wajahi laheyn Israa’iil, waana sababta aan isaga haray tartanka, waxaan qaadanay go’aankii ugu habboonaa” ayuu yidhi macalinka Nuureyn, Amar Ben Yaklif oo la hadlayay warbaahinta Algeria.

Nuureyn wuxuu isaga haray tartanka saacado yar uun kadib markii kooxdiisa ay ku biirtay xafladda furitaanka tartanka Olimbikada.

Xiriirka tartankan ee IJF ayaa sheegay in ciyaartooyga iyo macalinkiisa shaqada laga hakiyay isla markaana baaritaan lagu sameynayo tallaabadaas.

Xiriirka wuxuu intaa ku daray in guddiga olimbikada Algeria tallaabo laga qaadi dooni gaar ahaan suurtagalnimada ah in cunaqabateyn lagu soo rogo.

Xiisadda Israa’iil iyo Falastiin ayaa cirka isku shareertay sanadkan xilli dagaallo u dhexeeyay labada dhinac ay ka dhaceen halkaas.

Ciyaartooyda ka kala soo jeedo Iran iyo Masar ayaa horey u diiday inay la tartamaan ciyaartooyda kale ee kasoo jeeda Israa’iil.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker