Maxamed Xuseen: Qofkii ugu horreeyay ee ku guuleysta Aroos Wacan

Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday barnaamij bakhtiyaa nasiib ah, oo ay ugu magacdareen aroos wacan.

 

Tirada dadka ku guuleystay barnaamijkan ayaa gaadhaya 12 qof, waxay shirkaddu ka bixin doontaa lacagta meherka, tan arooska iyo biilka lixda bilood ee ugu horreysa.

Maxamed Xuseen oo magaalada Laascaanood ku sugan, oo kamid ah dadka ku guulaystay ayaa ka warramay sida uu ku galay barnaamijkan.

 

” Qaabka aan ku galayay wuxuu ahaa shirkadda waxay soo dirtay farriin, lanbar, aroos wacan baa la gurayaa bey yiraahdeen,marka waan qoray lamabarkii baan u diray, farriin ayay ii soo celiyeen farriintaadi waanu helnay, waxaana helay farriin ah in aan ku guuleystay aroos wacan”

Wuxuu sheegay in uusan ku wargelin gabadhii ay wada shekeysanayeen in uu codsaday bakhtiyahaa nasiibka shirkadda.

 

“Qofku in uu guuleysanayo iyo in kale ma oga wax aadan ogeyn oo hubinba dee waxbo uma sii diyaarsan kartid”

Maxamed ayaa ka dhawaajiyay in uu ku faraxsan yahay guushan isla markaana uu shirkadda kala tashan doono qorshahiisa ku aadan guurka.

“Aad iyo aad baan u faraxsanahay, wax aniga aan ku guuleysanayo ma ogeyn imikana waxaan wada tashan doonaa shirkadda Telesom marka ay ila soo hadasho”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker