Ururka Midawga Africa oo Shaaciyay Wakhtiga ay Ciidama Amisom ka Baxayaan Dalka Somalia ee ay Nabad Ilaalinta U joogaan
Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in ciidanka AMISOM ay Soomaaliya ka bixi doonaan marka laga gaadho 2021-ka, islamarkaana guud ahaan ammaanka dalka ay la wareegi doonaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira shaaciyay in Ciidanka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin la wareegitaanka ammaanka marka laga gaaro 2021-ka sidda uu yahay qorshuhu.
Waxaa uu shaki galiyay in uu dib u dhac imaan karo, maadaama dhaqaallaha la’aan ay jirto, islamarkaana inta ka horeysa loo baahan yahay taageerada iyo qalabeynta Ciidanka xoogga.
“Madasha Iskaashiga Soomaaliya waxay taageertay qaabdhismeedka 2019/2020, kaas oo aan ku heshiinnay in 15ka bilood ee soo socota ay muhiim noqon doonaan ciidamada amniga Soomaaliya inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga marka la gaaro sannadka 2021″ ayuu yiri Madaxa Ciidanka AMISOM.
Waxaa uu intaa sii raaciyay in caqabadaha jira loo baahan yahay in hadda si wadajir looga tashto si loo gaaro hadafka 2021-ka.