Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay in kooxdiisa ay koontaroolka Lumisay qeybtii labaad ee ciyaartii Anfiel
Laakiin Hwang Hee-chan ayaa kooxdiisa gool u soo celiyay qeybtii hore ka hor inta aysan qeybtii labaad u barbareynin Takumi Minamino iyo Haaland.
Si kastaba, iyadoo ay u muuqatay in Liverpool ay fursad iska qasaarisay, Salah ayaa goolka afraad dhaliyay markii uu shabaqa dhex dhigay kubad uga timid Roberto Firmino.
Natiijadaas ayaa gacanta u gelisay Liverpool dhibcihii ugu horeeyay ee tartanka, iyadoo Klopp uu qirtay in ciyaartoydiisa ay Lumiyeen koontaroolka ciyaarta.
โWaxaa fiican in casharka la barto inta ay ciyaarta socoto bedelkii laga hadli lahaa ciyaarta ka dibโ ayuu yiri Klopp.
โWaxaan qabaa inaan si fiican u dheelnay 30kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, ka dib Salzburg ayaa bedeshay shax ciyaareedkeeda, waxaan dhuminay kubada taasoo dhibaato inoo abuurtay. Waxaan dhuminay koontaroolka ciyaarta.
โQaabkii ay ciyaarta ku socotay ayaa isbedeshay, waxaana nagu adkaatay inaan saameyn ku yeelano ciyaarta. Waxay noqotay inaan sugno ilaa iyo ay ka helaan goolka seddexaad markaasoo aan dib u dagaalanay.
Ma careysni โ waxaan arkay anagoo si fiican u ciyaareynay iskuna dayayna inaan ciyaarta ku soo laabano, gool fiican ayaan dhalinay. Uma baahnid inaan lix ama todobo gool dhaliso.
โSalzburg waa koox fiican laakiin 30kii daqiiqo ee ugu horeeeyay nolosha ayaan ku adkeynay, waxaan aheyn kuwa aad u fiican.โ