Dawlada Mareykanka oo si rasmi ah dib ugu furtay Safaaraddii ay ku la hayd Magaalada Muqdisho
Muqdisho (OWN) โ Dowladda Mareykanka ayaa maanta ku dhowaaqday inay si rasmi dib ugu furtay safaaraddeedii magaalada Muqdisho.
Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya tan iyo 5-tii January 1991-kii, hase yeeshee waxa uu Xidhiidh lahaa Soomaaliya, wuxuuna bishii December ee 2018 dib usoo celiyey howl-galkii diblomaasiyeed ee Muqdisho.
โDib u furidda safaaradda Muqdisho waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib u billaabidda Xidhiidhka joogtada ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya, waana astaan xoojineysa xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda xasilloonida, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya iyo gobolka.โ Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya.
Isaga oo goobjoog ka ah is-beddelka dhacay, ayaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxa uu yidhi โMaanta waxaan dib xaqiijineynaa Xidhiidhka dadka Mareykanka iyo dadka Soomaaliyeed iyo kan labadeena dal. Waa maalin weyn oo taariikhi ah, oo ka tarjumaya horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.โโWaa tallaabo kale oo horey loogu qaaday joogteynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii uu aqoonsaday dowladda federaalka ah sanaddii 2013. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxa ay ka shaqeyn doontaa sare u qaadidda wada-shaqeynta, horumarinta danaha qaranka Mareykanka iyo taageerada hadafyadeenna ammaanka guud, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.โ Ayuu yiri Yamamoto.
amamoto ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay saaxiib xooggan usii ahaan doonto Soomaaliya, si loo dhiso dal xasiloon, la isku haleyn karo oo dimoqraadi ah.
Goโaanka Mareykanka ayaa ka tarjumaya dadaalkii diblomaasiyadeed ee sanaddii 2013 uu sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo horseeday in Mareykanka si rasmi ah u aqoonsado dowladda Soomaaliya.