Dawladda Soomaaliya Oo maanta dib u furtay duulimaadyada Caalamiga ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmiya ugu dhawaaqday in ay dib u furtay dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah oo ku xirmay saamaynta xanuunka COVID-19.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta dib loo furay dhammaan duulimaadyada Caalamiga ah isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii loo wajihi lahaa xaaladda weli ka taagan xanuunka Coronavirus.

“Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay in ay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19” ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay duullimaadyada caalamiga ah 19-kii Maarso ee Sanadkaan 2020 kaddib markii kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker