Meydka weriyihii lagu dilay Kenya oo la qaaday Pakistan

Waxaa dalka Pakistan loo qaaday meydka weriye Arshad Shariif oo Axaddii ay toogteen booliska Kenya, sida laga soo xigtay warbaahinta Dunya oo uu ka shaqeyn jiray weriyaha la dilay ka hor inta uusan kasoo bixin dalkaas bishii August.

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta meydkiisa laga dejiyo magaalada Islamabad kadib markii meydkiisa lasii marsiiyay magaalada Doha ee Qatar.

Waxaana lagu aasi doonaa qabuuro ku yaalla Islamabad.

Booliska Kenya ayaa shaley xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.

Arshad Shariif ayaa lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.

Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker