Maxaa Sababay In Sacuudigu Uu Ka aamuso Qabsashada Taliban Ee Afghanistan ?

Markii ururka Taliban uu la wareegay awoodda dalka Afghanistan, sanadkii 1996, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Pakistan, waxay ahaayen saddexdii dal ee ugu horeyay ee aqoonsaday Taliban, Ka dib markii dhawaan uu ururka Taliban la wareegay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, wuxuu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, sheegay “inay dhamaatay silsiladii adoonsiga” Dhanka kale, dalka Imaaraadka Carabta, ayaa magangalyo siiyay madaxweynaha Ashraf Ghani.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweyne Ghani iyo qoyskiisa, waliba qaab binu aadanimo Diblumaasiyiinta dowladda Sacuudiga ayaa iyaguna si bad qab ah ugu laabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda wadankaas.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee dalka Sacuudiga, xukuumadda Riyaadha ayaa qaadatay go’aankaan lagu saleeyay xaaladda aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka Afghanistan. Sidaas oo ay tahayna Sacuudiga wuxuu iska indha tiray guud ahaan xaaladda isbedelka ka dhacay Afghanistan Toddobaad ka dib, oo xaaladda Afghanistan hadba waji horleh ay la soo baxayso, haddana Isniintii, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Shah Mehmood Qureshi, wuxuu qadka telefoonka wadahadal kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xaaladda dalka Afghanistan, balse sida wararka ay sheegayaan islama aysan soo qaadin arrin la xiriirta Taliban Xaaladdan oo kale marka ay taagan tahay waxaa imaanaysa oo kugu soo degdegaysa, muxuu Sacuudiga oo sannadkii 1996, la safnaa Taliban, uu hadda uga gaabsaday?

Waxaa saldhig u ah xirirka Sacuudiga iyo Taliban diinta

Labada dal ee Sacuudiga iyo Imaaraadka waa dalal si weyn u muuqda marka laga hadlayo dalalka Suniyiinta ah ee caalamka. Sacuudigu wuxuu xiriir taarkhi ah la leeyahay dalalka Afghanistan iyo Pakistan, Sacuudigu wuxuu xiriir la lahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ururka Taliban balse xiriirkaas habacsanaan ayaa ku yimid markii dalka Qadar ay ka bilowdeen wadahadalladii u dhaxeyay Mareykanka iyo Taliban sanakii 2018-kii.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa rumeysan in daaha gadaashiisa uu Sacuudiga ka ciyaarayay doorkiisa wadahadallada Talmiz Axmed, wuxuu ahaa danjirihii dalka Hindiya u fadhiyay Sacuudiga wuxuuna yiri: “Xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay Sacuudiga iyo Taliban, 25-kii sano ee la soo dhaafay, waana kan maanta badbaadiyay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker