Madaxweynaha Koonfurta Afrika Oo Magacaabay Golaha Cusub ee Xukuumadiisa

Madaxweynaha Koonfurta Afrika ee dhowaan la dhaariyay Cyril Ramaphosa ayaa kala bar gollihiisa wasiirada, wuxuu ka dhigay haween. Tallaabo kale oo aad loola yaabay oo uu qaaday madaxweynaha koonfur afrika ayaa noqotay markii uu tirada gollaha wasiirada uu ka dhigay 28 wasiir, halka xukuumadii hore ay ka ahayd 36 Wasiir.

Haweenka uu magacaabay waxaa ka mid ah Patricia de Lille oo ka tirsan xisbiga mucaraadka ee Good Party. haweenaydan ayuu u magacaabay Wasiirka horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee koonfur Afrika.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa ballanqaaday inuu xidida u siibi doono musuqmaasuqa ka jira dalkaasi. iyadoo hore musuqmaasuq dartiis xilka looga qaado madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Gollaha wasiiradda cusub waxaa la dhaarinayaa galabta oo khamiis ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker