Kenya oo dar-dargelinaysa furashada Qunsuliyad ay ka Furato Caasimada Somaliland ee Hargaysa

Hargeysa (OWN) ― Dowladda Kenya ayaa dar-dargelin balaadhan ku bilowday furashada Xafiiska Qunuliyadda Cusub ee ay ku yeelan doonto  Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoona todobaadkii hore Somaliland u soo dirtay diblomaasiyiin Kenyan ah.

 

Wafdigan Kenyanka ah oo ka koobna saddex xubnood ayaa Somaliland u yimi sidii ay u indho indheyn lahaayeen meelaha ugu haboon ee ay dowladda Kenya ka furan karto Xafiiskeeda magaalada Hargeysa iyo daraaseyn ku aadan furashada xafiiskaasi.

 

Wafdigan oo aysan wax war ah ka soo saarin dowladda Kenya iyo Somaliland toona , ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland.

 

Kenya ayaa dhowr goor oo hore sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiinse waa markii u horaysay ee ay Caasimada Somaliland ee Hargeysa u soo dirto wafdi u socda indho indheyn iyo u howlgalinta  furashada Xafiiskaasi Kenya ee Hargeysa.

 

Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa xafiisyo diblomaasiyadeed iyo wakiilo ku leh dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Turkiga, Djibouti iyo Itoobiya.
By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker