Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faahfaahiyay Khasaaraha Qaraxyo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho(OWN)- Qaraxyo maataano ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxyaddaan ay kala dambeeyeen Daqiiqo kooban.
Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka goob ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana laga ilaaliyo Golaha Shacabka, waxaana Qaraxaasi loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel inta badan Mashquul ah oo ay isticmaalaan Mas’uuliyadda dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi ku yaalla Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay agagaarka KM4 , waxaana loo adeegsaday gaari noociisa yahay Toyota NOHA oo qalin ah, ciidamada amniga ayaa ku guleeystay in ay gacanta ku soo dhigaan wadihii gaarigaas wax qasaarana ma uusan geysan qaraxaas.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen Qaraxyadda sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ku dhaawaad 25 ruux.