Madaxwaynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mugaabe oo maanta Lagu Aasay Tuuladii uu Ku dhashay

Meydka Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu aasay tuuladii uu ku dhashay ee Kutama taas oo soo afjaraysa toddobaadyo ay xukuumada iyo qoyskiisu isku khilaafsanaayeen meesha lagu aasayo.

Dadka ka soo qayb galay aaskiisa ayaa waxa ay xidhnaayeen garamo cad-cad oo ay ku xardhan yihiin halku dhigyo ay ka mid yihiin “Aabbihii Xoriyada “, “Liberator” iyo “Iftiinkii Zimbabwe”. Qaarkale oo dadkaas ayaa heeso iyo qoob ka ciyaar maydka ku galbiyay, halka kuwo kalena ay aamusnaan ku fadhiyeen laba teendho oo cad-cad oo loo diyaariyay munaasabadda.

Xaaska Mugabe Grace oo ay weheliyaan caruurteeda ayaa sanduuqa maydka lagu waday ee la saaray calanka ka kooban midabada kala ah cagaaran, jaalaha, casaanka iyo madow, hareer socday.

Wadaad masiixi ah oo hogaaminayay aaska ayaa Mugaabe aad u maanay waxana uu yidhi , “Ninkaani waa ninkii sida buuxda uga faa’iidaystay hibadii uu rabi siiyay” “Ninkani wuxuu ahaa hanta qaran, mase ahayn mid dayn lagu leeyahay.”

 

Ma jirin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda oo ka soo qayb gashay aaska Madaxweyne Emmerson Mnangagwa waqti ahaa nin ay si wayn isku dhaw yihiin ayaa ka maqnaa aaskaas.

Mugabe wuxuu ku dhintey cisbitaal ku yaal dalka Singapore bishii Sebtember 6, isagoo jira 95 sano, ahna ninkii 37ka sano dalka Zimbabwe xukumayay

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker