Dad Qowmiyada Oromada U Dhashay Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Boosaaso(OWN)- Wararka ka imanaya  Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari  ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dil iyo dhaawac u geysteen dad u dhashay Qowmiyadda Oromada ee ku sugan boosaaso.

 

Kooxaha hubeysnaa ayaa rasaas ku furay dadkaasi oo ku sugnaa  Xaafada Saantoos ee Magalada Boosaaso,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Boosaaso.

 

Inta la xaqiijiyey saddex qof  oo qowmiyadda Oromada ayaa geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmayeen, goobta weerarkaan lagu qaaday Qowmiyadda Oromada uu ka dhacay ee Magalada Boosaaso ayaa u dhow dekada Magaalada boosaaso, waxana la sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay rasaas isweeydaarsadeen.

 

Wararka ugu dambeeya   ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan  howlgallo baaritaano ah,iyada oo dadkii weerarkaas ka dambeeyey ay baxsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker