Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Ugu Baaqay Ruushka Inuu Ciidamadiisa Kala Baxo Dalka Venezuela

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay ka codsanayaan Ruushka inuu kala baxo ciidamada u jooga dalka Venezuela, isagoo ku goodiyey in Maraykanka ay dhici karto inuu tilaabo militari ka qaado dalkaasi. Ruushka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay u diray dalka Venezuela labo diyaaradood oo siday ciidamo gaaraya 100 askari, kuwaasi oo ay ku jiraan ciidamada komandooska iyo waliba kuwa ku takhasusay dhinaca cilmiga isgaarsiinta internetka.

Dalka Venezuela oo ay cadaadis xoogleh ku hayaan Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku jiray koronto la’aan iyadoo la tuhunsan yahay in Maraykanka uu weerar dhinaca internetka ku qaaday xarumaha Tamarta ee dalkaasi.

Dowlada Moscow ayaa sidoo kale lagu wadaa inay mucaawino isugu jira raashin iyo daawo u dirto Venezuela, waana markii labaad oo ay mucaawino noocaan ah u dirayaan xukuumada Venezuela ee Madaxweyne Nicolas Maduro.

Qorshaha Maraykanka ayaa ah in lagu cadaadiyo Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro inuu xilka isaga dego, isla markaana awooda la wareego Guddoomiyaha Baarlamaanka  Juan Guaido oo bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweyne KMG ah, Mr. Guaido ayaa ah siyaasi wax kusoo bartay Maraykanka.

Shirkadaha laga leeyahay Maraykanka ee batroolka ayaa doonaya inay gacanta ku dhigaan shidaalka Venezuela oo ah dalka ugu qanisan dunnida dhinaca kaydka batroolka.

Ruushka iyo China oo ay wehliyaan inta badan dalalka Caalamka ayaa Madaxweynaha rasmiga ah ee Venezuela u aqoonsan Nicolas Maduro oo xisbigiisa ku guuleystay doorashada sanadkii hore, waxayna horey u cambaareeyeen farogelinta Maraykanka iyo Xulafadiisa ku hayaan wadanka Venezuela oo ay saareen cunaqabateyn adag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker