Xawaaraha Internet-ka ee qaar ka mid ah dalalka Afrika oo hoos u dhacay

Qulqulatooyin baahsan oo dhanka internet-ka ah ayaa laga soo warinayaa dhowr dal oo ku yaal qaardda Afrika. Dalalka khadkoodu dhacay wxaa ka mid ah South Africa, Nigeria, Ivory Coast, Liberia, Ghana iyo Burkina Faso.

Illaa hadda si cad looma oga sababta keentay in adeegga ee internet-ka ee dalalkaas uu hawlgabo. Balse sida ay sheegtay shirkadda Cloudflare Radar oo keydisa xogaha la xiriira isgaarsiinta internet-ka, waxaa muuqata cillad ku timid khadka isku xira waqooyiga iyo koonfurta Afrika.

Xawaaraha khadka internet-ka Ivory Coast ayaa hoos ugu dhacay 4% subaxnimadii khamiista, sida laga soo xigtey shirkadda Netblocks ee u kuurgasha amniga adeegga internet-ka. Dalka Libeeriya, xawaarahu wuxuu hoos ugu dhacy 17%, halka uu Benin gaarey 14%, iyo Ghana 25%.

Dalka Koonfur Afrika, shirkadda isgaarsiinta Vodacom ayaa sheegtay in “macaamiisheedu ay wajahayaan khadka oo tagtagaya, taas oo ay ugu wacan tahay khadka badda gunteeda mara oo dhowr jeer hawada ka baxayā€¯.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawan Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen in ay jareen qaybo ka mid ah xargaha internet-ka qaada ee badda gunteeda mara. Lamase oga xiriirka ka dhexeeya cilladda ku timid khadka internet-ka Afrika iyo carqaladda Xuutiyiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker