“Wasiir Ali Mareexaan laba arimood ha loo sheego inta uu nacaska iyo fariidka ka sheekaynaayo.”

“Wasiir Ali Mareexaan laba arimood ha loo sheego inta uu nacaska iyo fariidka ka sheekaynaayo.
1. Qaranka uu wasiirka u yahay waxaa haysta dhibaatooyin fara badan hadaad waxa runta ah ee nolosheena laga qoro akhrin kartana waxaad ogaan doontaa in ay jirto shaqo la,aan aad u daran, Fakhri aad u daran, dhaqaale xumo, dawlad xumo iyo musuqmaasuq. Malaha barwaaqada aad arkaysaa waa inta jeebkaaga ku korodhay intii aad xilalka qaranka hayasay. Laakiin wasaaradaada oo kaliya hadaad eegto waxaa jirta maanta biyo la,aan dadka qaar wax ay cabaan aanay haysan caasimadana xaalkeeda biyaha waad la socotaa, malaha waxaa haboon intaad nacas iyo fariid raadinayso inaad hawshaas aad ku magacaabantahay qorshe u samayso.
2. Ali ha loo sheego in Burco midawday oo naxligii iyo lakala faqii ay ka kortay oo maanta ay iyagoo mida xaqooda ay dawladnimada ay ku leeyihiin ee ka maqan miisaaniyada aad golaha hor keenteen ay wada raadsanayaan.”
Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani.
Khadar Xuseen Cabdi .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker