Maxaa Ka Jira In Madaxwaynaha La Doortay Ee Maraykanka Uu Cagta Ka Jabay Xilli Uu La Ciyaarayay Eygiisa.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka jabay cagta midig ka dib markii uu siibtay isagoo la ciyaaraya eygiisa Major.
Dhaawaca ayaa lagu ogaaday baaritaanka maalintii Axada waxayna u badan tahay inuu u baahan doono inuu xirto bootin-dhowr ama buudh loogu talagalay in lagu xakameeyo dhaawaca muddo todobaad ah, sida uu sheegay dhakhtarkiisa gaarka ah.