Mas Laba Madax Leh oo Lagu Arkay Maraykanka

Dhacyo layaab badan Mas ay yartahay in horey loo arkay islamarkana qaba labo madax ayaa laga helay keyn ku taalla gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.

Maskan oo lagu magacaabo,Double Dave, ayaa bishii hore la arkay islamarkana waxaa soo qaaday koox ka shaqysa arrimaha deegaanka.

Maskan yar ayaa waxaa uu leeyahay labo madax oo rasmi ah ,afar indhood iyo labo carab oo kala madaxbanaan oo labada af ku kala yaala.

“Aad ayay u adagtahay in Maskan uu ku badbaado duurka,” waxaa sidaasi yiri Dave Schneider oo ah khabiir dhanka deegaanka.

Waxa uu intaa ku daray in Maska ay ku adkeyd in uu xamaarto markii uu isku dayayay inuu baxsado taasi oo u sahlanaan lahayd in ay qabtaan dadka ugaarsada.

Mr Schneider oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa sheegay in isaga iyo saaxibadiis ay markii ugu horeysa ay Maskan labo madaxlaha ah ee Double Dave ay ku arkeen 25 August keynta Pine Barrens.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker