Masjid-jaamaca Ceerigaabo Oo Darroor Looga cararay iyo Malaayiin dollar Oo Dib u dhiskiisa ku baxay

 

 

Ceerigaabo(OWN) Kaddib roob muddo dhawr iyo labaatan saacadood ku da;ayey magaalada Ceerigaabo ayaa waxa roobkaasi sababay inay darrooreen dhismayaal badan oo kuyaalla magaalada Ceerigaabo kuwaasoo uu kamid yahay Masjid-jaamaca magaalada Ceerigaabo oo ka samaysan laba dabaq oo shub ama sabbad ah, waxana salaadihii kala duwanaa ee muddadaas roobku da’ayey lagu tukanayey masaajidkaas dadku isugu ururayeen qaybo yar oo gudaha masaajidkaas amid ah halka agabkii masjidka gudihiisa yaalleyna in badan oo kamid ah biyahani kusoo darrooreen oo waxyeello u geysteen.

 

Dhinaca alena Masjid-jaamacan magaalada Ceerigaabo ayaa dib u dhis dhowaan ay kusamaysay hay’adda Qarnil Afriiqi oo uu guddoomiye kayahay wadaad lagu magcaabo Maxamed Cali Geeddi waxa lasheegay inay dhismaha masaajidkan ku baxday lacag ku dhow hal milyan iyo badh doollarka maraykanka ah, taasoo marka la eego lacagta xaddigaas leh ee lasheegay in masjidkaas lagu dhisay iyo inuu maanta xammili waayey hal roob oo uu soo darroorayo waxay u muuqataa arrin Kaaf iyo Kala-dheeri bulshada iyo cid kastaba ku ah, waxayna sumcad xumo ku tahay hay’adda Qarnil-Afriiqi iyo weliba shirkadda dhismahan qaabbilsanayd, halka sidoo kale ay meesha ka bixi karto kalsooni bulshadu ka qabeen jiritaanka iyo adkaysiga dhismaha cusub ee qurxoon ee masjidkaas lagu sameeyey.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker