Halkay ku dambaysay Cunaqabatayntii Dawladda Maraykanku Saartay Xisaabta Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Debeda Iiraan Max,ed Jawad Zarif

Hal toddobaad ka dib markii Maraykanku uu cunaqabateyn saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Mohamed Jawad Zarif, arrintaas oo keentay in laga yaabo in Zarif uu waayo xisaabaadkiisa warbaahinta bulshada, ayaa dawladda Maraykanka iyo shirkadaha teknolojiga ay labaduba arrintaas ka aamusan yihiin.

Maamulka Trump ayaa cunaqabateeyey Zarif 31-ka bishii July, iyada oo Maraykanku uu sabab uga dhigay in uu u adeego Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Cali Khamanei, kaas oo isagana ay dawladda Maraykanku cunaqabateyn saartay, iyada oo Iran cadaadis daran saaraysa.

Akoonka twitterka ee Jawad Zarif ayaa waxaa ku xiran 1.2 milyan oo qof, halka 729 kunna ay ku xiran yihiin akoonkiisa Instagaramka, kaas oo ay leedahay shirkadda Facebook. Zarif ayaa wali labada baroodba adeegsada ilaa markii cunaqabateynta la saaray dhamaadkii July.

Idaacadda VOA, laanteeda afka Faarisiga ee Iran la hadasha ayaa xidhiidh la sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, iyada oo wax ka weydiisay xisaabaadka Zarif ee baraha bulshada. Afhayeen u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay in Twitter iyo Instagaram ay yihiin shirkado gaar loo leeyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker