Ceerigaabo: Ifafaale Dagaal Oo Muuqda, Odayaal Hargeysa Looga yeedhay + Isbeddello Ciidanka Laga filayo.

Ceerigaabo(OWN) Iyadoo muddooyinkan danbe meesha ka baxday dhex-dhexaadintii Jabhadda Gen-Caarre ee kusugan buuraleyda woqooyiga Ceerigaabo iyo Xukuumadda Somaliland kaddib markii hadal dhowaan kasoo yeedhay Taliyaha Guud Ee Ciidammada Qaranka S/land Nuux Taani uu sababay in madax-dhaqameed ku hawl-lanaa dhexdhexaadintaas iyaguna sheegeen inay faraha kala bexeen ayaa waxa maalmahan shaaracyada Ceergaabo lagu arkayaa ciidammo saaran gaadiidka teknikada looyaqaanno oo soo gelaya magaalada. Waxana meesha soogashay dareen cabsiyeed oo bulshadu ka qabaan saamayn nabadgelyo iyo dagaallo mar kale dhexmara Jabhadda Gen-Caarre hoggaaminayo iyo Ciidanka Qaranka.

 

Madax-dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaan-Maxamed Xirsi Qani oo ay weheliyaan Boqorka Beesha Cabdi Xaammud Maxamed Nuux iyo xubno kale ayaa iyaguna subaxnimadii saaka waxay magaalada Ceerigaabo uga boqooleen dhinaca Hargeysa, kuwaas oo la hadal hayo inuu jiro xidhiidh hoose oo dhexmaray iyaga iyo madaxtooyada Somaliland islamarkaasna in muddo ahba ay raadinayeen qiil ay ku fududaynayaan qodobbo xilligii Madaxweyne M Biixi xajka kumaqnaa ay Guddida Beelaha Garxejis ee dhexdhexaadinaysey jabhadda Gen-Caarre iyo Xukuumaddu isla qaateen oo Gen-Caarrena ka aqbalay loona gudbiyey xukuumadda jawaabna laga sugayey Madaxweyne M Biixi haseyeeshee qodobbadaas qaarkood ku adkaadeen xukuumadda, taasi awgeedna ay tahay sababta madax-dhaqameedkan Ceerigaabo uga anbabaxay dhinaca Hargeysa ay u raadinayaan qiilka ay wax kaga beddelayaan oo ku fududaynayaan qodobbadaas.

 

Wararka qaarkood ayaa iyaguna sheegaya in maalmaha soo socda lafilayo isbeddello waaweyn oo lagu samaynayo qaar kamid ah saraakiil xilal sare kahaysa ciidammada qaranka  Somaliland iyo kuwa kusugan gobolka sanaagba.

 

Dhinaca kalena waxa xusid mudan inay meesha kujirto feker arrimahan aynu soo sheegnay ka duwan oo bulshada qaarkood qabaan kaasoo ah in uu meesha kujiro qorshe-siyaasadeed guntiisu fogtahay oo xukuumaddu ku raadinayso sidii ay gacanta ugu qaban lahayd buuraleyda woqooyiga Ceerigaabo oo sannadihii ugu danbeeyey ay kasoo burqatay macdan isugu jirta dahab iyo noocyo kale inkastoo muddooyinkan danbe waxyaabihii dusha sare/korka laga heli jirey ee macdanahaas ahi yaraadeen haseyeeshee lasheegayo in dhulka hoose ay ku duugan tahay xaddi aad u badan oo macdanahaas kala duwan ahi, sidaas awgeedna waxkasta oo ay ku kalliftoba ay xukuumadda ka go’an tahay sidii ay buurleydaas gacanta ugu qaban lahayd.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker