Dawladda Maraykanka oo sheegtay inay Sii Wadayso Hawlgalada Milatari Ee Badda Shiinaha

Milatariga Mareykanka ayaa qorsheynaya in uu sii wado, waxa uu ugu yeedhay xornimada socdaalka oo uu ka wado xeebaha koonfureed ee Shiinaha.

David Goldfein oo ka tirsan ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in qorshahan ay uga gol leeyihiin sidii looga hortagi lahaa in shiinuhu uu gacanta ku dhigo gobolka Istaraatiijiga u ah marinka Ganacsiga.

Mr Goldfein ayaa intaa raaciyay in Washington ay ka go,an tahay in ay difaacdo saaxiibada ay ku leedahay gobolka hadii ay dhacdo weerar ka dhan ah maraakiibtooda, kadib wareysi uu siiyay warbaahinta Rappler.
Hadalkan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tegay magaalada Manilla ee caasimada u ah dalka Filibiin waxaana socdaalkan ku wehlinayay Charles Brown oo ka tirsan saraakiisha ciidanka cirka Mareykanka.

Dalka Filibiin oo dhanka koonfureed xad kala leh dalka Shiinaha ayaa waxay isku heestaan dhul biyood u dhaxeeya labada dal waxaana halkaasi sanad waliba mara ganacsi gaadhaya boqolaal trillion oo dolar-ka Mareykanka.

Howlgalkan ayaa dhanka kale waxaa ka soo horjeestay dowlada Shiinaha, iyadoo Mareykanka uu sheegay in uu sii wadi Doono.

Balse Dawladda shiinaha ayaa u muuqata mid kaga adkaan doonta maraykanka Gobolkaasi.

By Suxufi Sinyoore Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker