Wadanka Jamhuuriyadd Dimuq-raadiga Congo oo sheegtay in ay Cidhibtirtay Cudurka Ebola.

 

Wasaarada caafimaadka ee Jamhuuriyadd Dimuquraadiga Congo ayaa shaacisay in uu dalkeeda uu ka dhamaaday caabuqa cudurka Ebola kaasi oo dilay 33 ruux 42-dii cisho ee la soo dhaafay.

Cudurkaan oo markiisa hore ka dilaacay waqooyi galbeed ayaa dowlada dalkaas oo kaashaneysa hey,ada caafimaadka aduunka ee WHO talaal ka hortag ah iyo daaweyn ba la siiyay 3,300 oo ruux.

Wasiirka caafimaadka Congo Oly Ilunga Kalenga ayaa sheegay in aysan jirin shaki ama dad qaba cudurkaan oo laga soo tabiyay isbuucyadii la soo dhaafay.

Saameynta cudurkan ayaa waxaa uu gaadhay magaalada Mbandaka. oo ay ku nool yihiin dad tiradoodu gaadheyso 1.5 million oo ruux,iyadoo magaladan iyo caasimada Kinshasa uu xadhiidhiyo wabiga mara Congo.

Dhamaan dadka ku noolaa degaano laga shakisanaa oo baadhitaan lagu sameeyay ayaa waxaa soo baxday in ay ka bad qabaan Ebola.

Cudurka Ebola ayaa waxaa uu keenaa xumad dhiigbax iyo matag waxaa uuna ku faafaa taabashada tooska ah iyo dheecaan ka ruux qabo in uu gaadho qof kale.

Sanadii 2014-kii oo cudurkaan ka dilaacay dalalka Guinea, Sierra Leone iyo Liberia oo dhamaantood dhaca galbeedka Afrika ayaa waxaa ku dhintay dad tiradooda Lagu sheegay 11,300 oo ruux.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker