Xaafada Faluuja : Ciidanka Dabdemiska Hargeysa oo u gurmaday Guri Jiingad ah oo dab Qabsaday

Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala xaafada Faluuja ee degmada 31 May.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker