Xukuumada Somaliland iyo Wakiilada Maraakiibta Koontiinarada oo Xaalkooda wada shaqayneed Cakiran yahay

Berbera (OWN) Sida  aanu wararka ku helayno Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaaa jiray Buuq ku saabsan Tacriifadda Cusub ee uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Sacad Saajin Taasoo uu wax kaga badalyo Tacriifadii hore ee ay Dekedu ka qaadi jirtay Badeecadaha ku jira Koontiinarada .Hadaba waxaa jira wakiilo iyagu Albaabada u laabay Xafiisyadoodii .

Xafiisyadan la xidhay ayaa waxay qaban jireen oo ay wakiilo ka ahayeen maraakiibta dekeda berbera soo gaadhsiisa badeecada ku jirta kontiinarada.

Xidhitaanka xafiisyadana waxa sabab u ah wareegto ka soo baxay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershaha Somaliland wareegtadaasi oo ku taariikhaysayd marka la gaadho 21 .8.2019 (oo maanta ah ) in wakiilada markiibtu tacriifadii hore ku shaqayn jireen ee loo yaqaan Bill of loaning oo qiimayow kala duwan ay ka qaadi jireen ganacsada alaabada u soo qaadan in wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershadaha uu tacriifadaasi wax ka bedel ku sameeyay amarna ku faray wakiilada markiibta in ay qaadan $85. Ganacsadaha ay alaabta u sidaan hadiiba loo sido ganacsadaha 100 kontiinar in laga qaado $85 kaliyaiyo hadii kale oo loo sido ka badan 500kontiinar in isna laga qaado $85 kaliya oo ah qiimo isku mid ah.

waxa kale oo jira in wakiilada markiibta dekeda berbera iyaga dhinacooda ka doonayso lacago service ah ugu shaqayso lacago xad dhaaf ah sida 100kontiinar 40ft ah dekedu ay ka rabtaa $31,500 ( halka 100kontiinar 20ft ka rabto $ 21,000)

Arintan ayaa markiiay ka soo baxday Xafiiska wasiirka Ganacsiga Iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin waxa warbaahinta la hadlay wakiilada markiibta Koonteenarada Xambaara maamuladood oo si wada jira ah u sheegay inay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin iskaga bixinaynin qiimahan uu jaray wasiirka ganacsigu ,waxay ka codsadeen in xaaladooda uu hoos u eego oo wadal hadal la sameeyo hadii ay yihiin wakiiladii markiibta ,Arintan qiimaha ku saabsana daraasad rasmi ah laga sameeyo ,waliba iyagoo dhanka kale wasiirka u diray Ergooyin badan oo ka hadlaaya in arintooda hoos loo eego ayaa wararka aanu ka helayno dhinaca wakiilada markiibtu sheegayaan in wasiirku arintaasi ka gows adagay.

Wakiilada Markiibta Koonteenarada Xambaara ee ka shaqeeya Kunaxidhan Dekeda Berbera ayaa hore u sheegay in marka la gaadho 21.8.2019 hadii wasiirku xal ka keeni waayo cabsahadooda inay albaabada uxidhayaan xafiisyadooda markiibtii kontinarada Somaliland alaabada keeni jireena in dekedaha jaarka ah ee jabtuuti iyo eletariya uwareejin doonaan.

Waxa Kaloo Laga yabaa in isku dhac uu ka dhex qarxo shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha Iyo Xukumada Somaliland ee Ka Kireysay Maadama oo Shirkada DP World Dekeda Berbera ukiraysatay inay ka dhigto Dekeda Koonteenar oo Wax kasta oo laga soo rogayo lagu soo rido Koonteenar oo qorsheheeda ay ku shaqaysaana yahay(Container Ports)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker