Ururka Al Shabaab oo Gabi ahaanba la wareegtay saldhiga Muhiimka ah ee Laga Ilaaliyo Magaalada Jawhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle
Jowhar (OWN) โ Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo Shalay Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Keli Waraabow oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen saldhig ciidamada HirShabelle ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarkaasi ku dishay lix ka tirsan ciidamada maamulka Hirshabeelle , sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac.
Keli Waraabow ayaa Jowhar u jira afar KM oo kaliya, waxaana saldhigga la weeraray laga ilaalin jiray aminga magaalada Jawhar .
Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi.