Madaxwaynihii Hore ee Dalka Suudaan Kornayl Cumar Xasan Albashiir oo Maxkamad Lasoo Taagay

Madaxweynihii xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo dalka xukumayay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuq-maasuq.

Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey Al-Bashiir inuu wajahayo dacwado la xidhiidha “haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

Bishii April, hoggaamiyaha militariga ah ee hadda xukuma Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in, in ka badan 113 milyan oo dollar oo ah kaash, ka kooban saddex lacago qalaad ah, laga helay guriga Al-Bashiir.

Bishii May, dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Al-Bashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn hoggaamiyey in xukunka lagu tuuro.

Dibad-baxyada ka dhanka ah Al-Bashiir ayaa billowday 19-kii December, kadib markii dowladdiisa ay saddex jibaartay qiimaha lagu iibsado rootiga.

Maxkamadeynta Al-Bashiir ayaa tijaabo u noqon doonta, sida ay mas’uuliyiinta Sudan daacad uga yihiin inay tiraan xusuusta 30-kii sanao ee xukunkiisa, oo ay maareeyeen rabshado baahsan, burbur dhaqaale iyo go’itaankii Koonfur Sudan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker