Kooxda Chelsee oo aan Mahadin Kulankii Stamford Bridge, ay kula Cayaartay Leicester
Chelsea ayaa noqotay bilaa guul kulankeedii labaad ee xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen kooxda Leicester City kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedka ee Garoonka Stamford Bridge.
Tababare Lampard ayaa seddex kulan oo tartan rasmi ah uu ciyaarsiiyay kooxdiisa aan weli wax guul ah dhalin.
Kulankiisii ugu horeeyay ee Frank Lampard ee Stamford Bridge waxa uu ahaa kulan xiiso leh, inuu ka soo muuqdo kursiga keydka isagoo tababare ah ka dib dhowr sannadood oo uu ciyaaryahan u soo ahaa isagoo heysta rikoorka gooldhalinta ee kooxda.
Saaxiibkiisii hore John Terry ayaa xitaa yimid Stamford si uu u daawado kulanka ugu horeeya Frank Lampard ee Stamford Bridge. Halka Taageerayaasha Blues ay soo bandhigeen boodhadh waaweyn oo ay ku soo dhaweynayaan halyeeygooda.
Chelsea ayaan ciyaarta ku bilawday si dardar leh iyagoo daqiiqadii 2aad ku sigtay inay shabaqa soo taabtaan markii karoos uu soo dhigay kubad
uu siiyay Azpilicueta uu Olivier Giroud xabadka ugu sii dhigay Pedro kaasoo isna garaacay geeska shabaqa.
Daqiiqadii ku xigtay mar kale Chelsea fursad kale ayay heshay markii Giroud uu kubad u dhigay Mason Mount laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Schmeichel, kubadii soo laabatay waa helay Pulisic isna waxaa fursadiisa ka beeniyay goolhayaha Leicester City.
GOOL! Daqiiqadii 7aad: Goolkii la sugayay ayaana yimid, iyadoo Mason Mount uu kulankiisii ugu horeysay ee Stamford Bridge uu gool ku bilowday. Mason Mount ayaa kubad ka xoogsaday Ndidi ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Schmeichel.
Mason Mount (20 sannadood, 229 maalmood) ayaa xiddiga ugu da’da yar Chelsea ee gool Premier League ah dhaliya muddo seddex sannadood ah tan iyo markii uu Ruben Loftus-Cheek (20 sanno iyo 70 maalmood) uu goolkiisii ugu horeysay ka dhaliyay Aston Villa bishii April 2016.
Mason Mount waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingariis ah ee gool u dhaliya Chelsea isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Ingiriis ah tan iyo markii uu Dennis Wise oo ka hoos ciyaarayay Glenn Hoddle uu gool ka dhaliyay Blackburn sannadii 1996.
Daqiiqadii 27aad Chelsea waxaa soo martay fursad dahabi aheyd markii Giroud uu kubad gool loo fishay uu u dhigay Kante, laakiin darbadiisa waa cagta ku yara taabtay Fuchs iyadoo ay hareermartay goolka.
Waxaa qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo dhamaatay iyadoo Chelsea ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta. Qeybtii labaad kooxda Leicester City ay heshay fursadeedii ugu fiicneyd ciyaarta markii Maddison uu kubad u dhigay Perez kaasoo bedelkii uu baasi lahaa Vardy oo offside ku jiray isagoo kubada la maray Kepa laakiin kubadii uu ku soo celiyay xerada goolka waxaa bixiyay Jorginho.
Seddex daqiiqo ka bacdi goolhaye Schmeichel ayaa kubad madax aheyd ka badbaadiyay Giroud ka dib karoos uu soo qaaday Emerson.
GOOOL! Daqiiqadii 67aad: Ndidi ayaa iska soo guday qaladkii uu ku lahaa goolkii Mason Mount. Isagoo madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Maddiosn.
Daqiiqadii 74aad Leicester City ayaa iska qasaarisay fursad dahabi aheyd oo ay hogaanka kula wareegi kartay. Pedro oo iska jiifa ayaa waxaa kubad ka qaatay Fuchs iyadoo Maddison uu fursada qasaariyay.
Dhanka kale kubad uu Pedro soo qaaday ayaa waxaa madaxa si ciriiri ah u la waayay Abraham haddii uu taaban lahaa waxay aheyd gool. Daqiiqadii 77aad Vardy iyo Maddison ayaa weerar isla soo qaaday iyadoo Vardy uu kubad soo hormariyay goolka laakiin waxaa ka soo gaari waayay inuu ku taabto Perez.
Daqiiqadii 89aad Kepa ayaa fursad fiican ka beeniyay Tielemans ka dib baas uu ka helay Albrighton.
Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah iyadoo niyadjab ay ku aheyd in tababare Lampard uu guul ku bilaaban waayo kulankiisii ugu horeysay ee Stamford Bridge, waxaana Chelsea ay haatan ku jirtaa kaalinta 15aad ee kala sareynta horyaalka ka dib labo kulan oo la ciyaaray.
Xigasho Laacib