Qarax Gaari Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax gaari oo jugtiisa inta badan laga maqlay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa nuuciisa uu ahaa miinada dhejiska, waxaana lagu xiray mid ka mid ah gawaarida raaxada.

Qaraxa kadib Dab xoogan ayaa ka kacay gaariga, iyada oo ugu dambeyn lagu guuleystay daminta Dabkaasi.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ku geeriyooday ruuxii watay, islamarkaana ilaa hada aanan la ogeyn waxa uu ahaa.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray aagga uu qaraxa ka dhacay, waxayna shacabka u diidayaan inay maraan halkaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa ku kordhay qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro masuuliyiinta dowladda iyo shaqaalaha rayidka.

Laba Habeen kahor ayay aheyd markii meel ku dhaw Zoobe uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa laanta dambi baarista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker