Akhri Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Ee Ay Golaha Guurtida JSL Ansixiyeen

Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo shalay Golaha Guurtida Somaliland ansixiyay ayaanu halkan idiinku soo gudbin doonnaa dhammaantii si aad uga bogataan waxaanu u dhigan yahay sidan:

GOLAHA WAKIILADU:

Markuu arkay:              Qodobada 9aad, 22aad, iyo 23aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Markuu Xaqiiqsaday:-             In ay lagama maarmaan tahay in la abuuro Xeerar iyo shuruuc kala hagta sida ay muwaadiniintu u gudan karaan xuquuqdooda siyaasadeed si waafaqsan Dastuurka iyagoo uga qaybqaadanaaya hawlaha siyaasadeed si nabagelyo ah si ay awoodda dalka u hantaan.

Markuu Tixgaliyay:- In muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin in ay helaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo gudashada waajibaadka saaran marka ay abuurayaan ururo siyaasadeed iyo in la habeeyo mabaadii’da iyo shuruucda kala hagaysa Xisbiyada Qaranka ee Shakhsiyadda Qaanuuniga ah leh.

Markuu ku Qancay:- Baahida loo qabo in kaabis iyo Wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2000.

WAXAA UU ANSIXIYAY

XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXSAABTA SIYAAASADDA

XEER LR: 14/2021

QAYBTA 1AAD

QODOBBO GUUD

Qodobka 1aad

Magaca Xeerka

Xeerkan waxaa loogu yeedhayaa Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer.Lr.14/2021.

Qodobka 2aad

Eraybixin

Guddi:- Waxaa loola jeedaa Gudidda Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka

Komishan:- Waxaa loola jeedaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka (K D Q).

Gobol/Degmo:- Waxa loola jedaa Gobollada iyo Degmooyinka ku xusan Xeer Lr. 23/2019

Urur Siyaasadeed:- Waxa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu-diiwaangaliya Urur ahaan si ay qayb-qaataan doorashada Tooska iyo Ururada iyo Axsaabta Qaranka.

Xisbi/xisbiyo:- Waxaa loola jeedaa xisbi/Xisbiyada Qaran ee la ansixiyey si ay uga qayb qaataan doorashooyinka Guud ee Madaxtooyada, Golaha wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.

Ajaanib: Waxa loola jeedaa shakhsi kasta oo aan u dhalan Jamhuuriyada Somaliland

Warbaahinta Dawladda:- Waxa loola jeedaa Idaahadaha, Wargeysyada, Shinomooyinka, Telefishinada Qaranka iyo Nooc kasta oo Warbaahineed oo dawladu maamusho.

Hantida Dawlada Waxa loola jeedaa hantida guurta iyo ma guurtada ah ee ay dawladu leedahay nooc kasta ha ahaatee.

Arjiga Codsiga:- Waxa loola jeedaa foom gaar ah oo uu diyaariyay Gudidda Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo faah-faahinaya shuruudaha laga rabo in uu buuxiyo urur siyaasaeed kasta oo is-diiwaangaliya.

Doorashooyinka Qaranka:- Waxa loola jeedaa doorashooyinka Guud ee ay ku tartamaan saddexda xisbi qaran.

Doorasho Toos ah:- Waxa loola jeedaa Doorashada loo qabto Ururada Siyaasadeed ee Is-diiwaangaliyay iyo Xisbiyda mudadii shahaadadda Xisbinimo ka dhamaatay.

Hogaan:- Waxa loola jeedaa Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenada, Xoghayah Guud iyo Xubnaha kale ee Xeerka Xisbigu tilmaamayo

Golayaasha sharciga ah:- Waxa loola jeedaa golayaasha dastuuriga ah ee JSL oo kala ah:-

  1. a) Golaha Guurtida
  2. b) Golaha Wakiilada
  3. c) Golaha Deegaanka

Xubin:- Xubin waxa loola jeedaa xubin ka mid ah Hogaanka Xisbiga, Gudidda Fulinta, Golaha Dhexe ama Xisbi Weynaha.

Ruqsad:- Waxa loola jeedaa Ogolaanshaha la siiyo Ururada Buuxiyay shuruudaha Xeerkan, Gudidduna u diiwaagaliso inaya ka qayb-galaan Doorashada Tooska ah

Shahaado:- Waxa loola Jeedaa cadeynta Xisbinimo ee la siiyo Saddexda Xisbi oo ku soo baxa Doorashada Tooska ah kana gudbay Ururnimadii Siyaasadda.

QAYBTA 2AAD

Qodobka 3aad

Mabaadii’da Guud iyo u Hogaansanaanta Sharciga

1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada guud.

2) Xisbiyada/Ururadu waa in ay ka qayb-qaataan in ay taageerayaashooda baraan tartanka doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix-gelin dheeraad ah siiyaan haweenka iyo dhalinyarada.

3) Xisbiyada/Ururadu waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab ama dheddig keliya, ama nooc kale oo kasta oo bulshada kala faquuqaaya.

4) Xisbiyada Qaranka iyo Ururada waxaa lagu maamulayaa si waafaqsan Xeerkan isla markaana aan ka soo hor jeedsan shareecada Islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeerarka dalka, iyo Xeerarka Xisbiyada ama Ururada.

5) Cid kasta oo reer Somaliland ah buuxisana shuruudaha Xeerkan wuxuu xaq u yeelanayaa in uu samaysto Urur siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan;

6) Marka ay dhacdo in laba urur iyo in ka badani isu tagaan si ay u samaystaan is- bahaysi ama Urur/xisbi ku biiro inta ka horaysa doorashada Tooska ah waxa loo soo gudbinayaa Gudidda Diiwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka nuqul asal ah (original) oo ah heshiiska isbahaysiga.

 

Qodobka 4aad

Xadka Adeegsiga Xeerka

Xeerkan waxaa loo adeegsanaya Ururrada si rasmi ah loo diiwaangaliyay iyo Xisbiyada haysta Shahaadadda Xisbinimo si xeerka waafaqsan uga diwaangashan Guddiga Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka.

 

Qodobka 5aad

Ujeeddooyinka Xeerka

Ujeeddooyinka xeerku waa

1.In la helo xeer loo raaco hannaaka kala xulista xisbiyada/Urrurada iyo diiwaangalintooda;

  1. In lagu jideeyo mas’uuliyadaha guud ee xisbiyada, hoggaankooda iyo hanaanka xil-gudashadooda;
  2. In lagu dhiso Guddida Diiwaanganta Ururrada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka isla markaana waajibaadkooda lagu qeexo.

 

QAYBTA 3AAD

AASAASKA IYO XILKA GUDIDDA DIIWAANGALINTA

Qodobka 6aad

Gudidda Diiwaangalinta iyo Anshax-marinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka

  1. Xeerkan waxaa lagu aasaasay Gudidda Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ahna Guddi madax-bannaan.
  2. Tirada Gudiddu waa 7 (todoba) xubnood oo ugu yaraan mid ka mid ahi sharci-yaqaan yahay,
  3. Gudiddu waxay iska dhexdooranaysaa Gudoomiye, Gudoomiye xigeen iyo Xoghaye;
  4. Gudidda waxa lagu soo xulanayaa shuruudaha hoos ku qoran: –
  5. a) Inuu Muslin yahay/tahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.
  6. b) Inuu Muwaadin yahay/tahay da’diisuna ka yaraan 30 sanno.
  7. c) Inuu/inay jidh ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa;
  8. d) Inuu/inay leeyahay aqoon wax barasho oo gaadhsiisan shahaadada koowaad ee jaamacadda (First Degree).
  9. e) In aanu/inaanay hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga cadaaday shantii sanno ee u dambaysay.
  10. f) Inuu/inay yahay xilkas, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuna toosan yihiin, yahayna shakhsi ku sifoobay dhex-dhexaadnimo.
  11. g) Inuu/inay leeyahay waayo-aragnimo shaqo iyo maamul oo dhan 5 sanno ugu yaraan.
  12. h) Inuu/inay ku sugnaa/sugnayd dalka JSL labadii sanno ee ugu dambeeyay si- xidhiidh ah.
  13. i) Halka sharci yaqaan waxa u dheer shuruudahaasi inay leeyahay/leedahay shuruudaha lagu soo doorto garsoorayaasha Maxkamada Sare
  14. Xarunta dhexe ee Gudidda waxay ahaanaysaa Hargeysa waxayna ku yeelanayaan wakiilo gobolada iyo degmooyinka dalka.
  15. Gudiddu waxay xilka haynayaan muddo (5) shan sanno ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada Sare xilka u dhaariso.
  16. Madaxweynaha JSL ayaa magacaabaya Gudidda Diiwaangelinta iyo Anshaxmarinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
  17. Golaha wakiilada ayaa kalabadh iyo hal (41+1) tirada guud ku ogolaanaya Gudidda Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka
  18. Gudiddu waxay yeelanaysaa Guno la mid ah Gunada Komishanka Doorashooyinka Qaranka la siiyo.
  19. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhaarinaya Gudidda dhaartan todobaad ka dib maalinta Golaha Wakiiladu ansixiyo (WAXA IGU WALAAHI AH, OO IGU BILAAHI AH, IN AANAN KU JIRIN URUR SIYAASADDEED IYO XISBI QARAN TOONA, HORENA AANAN UGA MID NOQON, KANA MID NOQON DOONIN INTA AAN XILKA HAYO, UGUNA ADEEGAYO DAACADNIMO, CADDAALAD, SINNAAN IYO DHEX-DHEXAADNIMO URURADA SIYAASADDEED IYO XISBIYADA QARAN).

 

QAYTA 4AAD

HABRAACA DIIWAANGELINTA

Qodobka 7aad

Codsashada Diiwaangelinta iyo Qabashada Araajida

  1. Gudiddu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka mudadda qabashada codsiyada diiwaangelinta ururada siyaasadeed, iyo mudadda dhamaadka qabashada codsiyada diiwaangelinta. mudadda qabashada codsiyada diiwaangelintu waa laba bilood gudahood 60 (lixdan maalmood) oo ka bilaabmaysa maalinta la bilaabo baahinta qabashada codsiyada.
  2. Ururada siyaasiga ah ee cusub waxay iska diwaangelinayaan xarunta guud ee Gudidda Diiwaangalinta iyo Anshax-marinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Hargaysa.
  3. Urur kasta oo doonaya in loo diiwaangeliyo Urur siyaasadeed waa inuu ku soo qortaa arji foomka loogu talagalay, kuna soo hagaajiyaa Gudidda, kuna lifaaqnaadaan caddaymaha iyo qoraalada soo socda:-
  4. a) Goortii iyo goobtii ururku ku qabtey shirkii aasaaska ee ugu horeeyay.
  5. b) Liiska magacyada aasaasayaasha ururka iyo habkii loo doortey.
  6. c) Liiska magacyada hogaanka, Gudidda Fulinta iyo Golaha Dhexe oo gudoomiyaha ama ku-xigeenku soo sexeexay.
  7. d) Qaab-dhismeedka ururka oo ay ku caddahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u qormayo marka la soo gaabiyo iyo astaanta ururka
  8. e) Caddeyn bixin cashuurta diiwaangelinta oo dhan 300,000,000 (saddex boqol oo milyan) Shilin Somlaliland.
  9. f) Xisbiyada qaran ee haysta shahaadada xisbinimo laga ma qaadayo cashuurta diwaangelinta.

 

Qodobka 8aad

Muddada Shahaadda Xisbinimo

  1. Mudadda Shahaadada Xisbinimo ee xisbiyada Qaranku waa toban (10 sano) oo ka bilaabanta taariikhda Shahaadda Xisbinimo la siiyay.
  2. Shahaada Xisbigu/Ururku waxa uu ku heli karaa ka qayb-galka Doorasho toos ah oo loo qabtay Ururada iyo Axsaabta, Islamarkaana uu si rasmi ah uga mid noqday Saddexda Xisbi si xeerka waafaqsan.
  3. Xisbiyada ay ka dhacdo mudadda shahaadada Xisbinimo ee la siiyay, ma geli karaan doorashada madaxtooyada, Wakiillada iyo Deeganka, waxayna ahaanayaan xisbiyo ku meel-gaadh ah ilaa intaa laga qabanayo doorasho toos ah oo ay ku soo baxayaan xisbiyo Qaran.
  4. Ururrada cusub iyo xisbiyada ka qayb-galaya doorashada tooska, waa in diiwaangalintooda la qabtaa lix bilood ka hor dhammaadka muddada Shahaadda Xisbinimo.

 

Qodobka 9aad

Xisbiyadda Qaran iyo Ururada ku Meel-gaadh ka ah

  1. Markay dhamaato mudadda qabashada araajida diiwaangelinta Ururadda, Gudidda Diiwaangalinta, Anshax-marinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku waxay hubinaysaa ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxayna siinayaan ogolaansho ku meelgaadh ah oo uu ururkaasi ku hawlgalo.
  2. Mudadda hawl-galada ururada siyaasadeed waa 6 bilood oo ka bilaabanta taariikhda ogolaanshaha ku meel gaadhka ah la siiyey.
  3. Xisbi/Urur kasta waa inuu ku keenaa mudadda ku xusan faqrada 2aad ee qodobkan qoraalada iyo caddeymaha soo socda:-
  4. a) Qabashadii shirweynaha ee Ururka ama xisbiga, meeshii uu ku qabtey, taariikhduu qabsoomay iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen, sida liiska magacyada xubnaha Golaha Dhexe, Gudidda Fulinta iyo magacyada hogaanka xisbiga.
  5. b) Caddeyn in Ururkaasi ku leeyahay laamo hawlgal ah, ugana diiwaangashan yihiin ugu yaraan 1000 (Kun qof) xubnood gobol kasta, kuwaas oo haysta warqada aqoonsiga muwaadinimo oo sharci ah.
  6. Ururka la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu ku hawl-galo, waa in Gudiddu siisaa afar (4) nuqul oo Xeerkan ah.

5.Xisbi/Urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa ku caddahay ku dhaqanka Dimuqraadiyadda, tallo-wadaaga iyo maamul wanaag.

  1. Urur kasta waa inuu Gudidda u keeno 3 nuqul oo daabacan oo ah Xeerkiisa iyo cinwaanadiisa gobolada iyo degmooyinka dalka.
  2. Xisbi/urur kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay Dastuurka iyo Xeerarka dalka JSL.
  3. Xisbi/Urur kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo Somalilander ahi.
  4. Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo Xisbi kale doorashooyinka ka hor iyo kadib, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku caddaataa inaan laga saari karin/eryi karrin xisbiga xubin ama xubno loo doortey Golayaasha sharciga ah hadii aanay ka hor imanayn xeerar ka dalka iyo xeerka xisbiga.
  5. Xisbi kasta oo Qaran waa inay barnaamijkiisa ku caddaato qorshayaashan:-
  6. a) Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha iyo xasiloonidda dalka.
  7. b) Horumarinta waxbarashada iyo diinta.
  8. c) Horumarinta caafimaadka iyo fayo-dhawrka.
  9. d) Daryeelka iyo ilaalinta degaanka.
  10. e) Dhaqaaleynta iyo soo saaridda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
  11. f) Horumarinta cilmiga iyo teknoolajiyada.
  12. g) Dhiiri gelinta dhalinyarada iyo haweenka ee ka qayb qaadashada Siyaasadda dalka.
  13. h) Ilaalinta Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Qodobka 10aad

Kala Reebida Xisbiyada/Ururada Ku Tartama Doorashada Tooska Ah

  1. Saddexda xisbi/Urur ee doorashada tooska ah ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa Xisbi qaran, lana siinayaa shahaadada aqoonsiga xisbi
  2. Haddii hal xisbi oo keliya ku guulaysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta, Gudiddu waxay u aqoonsanaysaa xisbiyo Qaran isaga iyo labada Xisbi/urur ee ku xiga isu gaynta codadka boqolayda gobol kasta.
  3. Hadii ay is leekaato tirada Boqoleyda Gobolada ee laba Urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa, sida ay ugu kala bataan tiradada guud ee codadka.
  4. Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxay Gudiddu u aqoonsanayaan Xisbiyo Qaran saddexda Xisbi ee ugu tirada badan codadka doorashoonyinka boqolayda gobolada dalka.
  5. Tobankii (10) sannadoodba mar baa la abuuri karaa Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerkan. Hase-yeeshe, waa in urur siyaasadeedka la abuuraa lix (6) bilood ka hor maalinta la qabanaayo doorashada tooska ah.

Qodobka 11aad

Waxyaabaha ka reebban Xisbiyada/Ururada

  1. Waxaa ka reebban xisbi/urur kasta inuu u soo gudbiyo Gudidda war bixin been ah ama khaldan.
  2. Xisbina kama muuqan karto xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya Dastuurka iyo Shareecada Islaamka.
  3. Xisbi/Urur kasta waxaa ka reebban inuu dhaqaale ka helo illo shisheeye
  4. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.
  5. Xisbi/urur kasta waxaa ka reebban inuu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.
  6. Xisbi/urur kasta waxaa ku waajib ah inay Hoggaanka Xisbiga/Ururka, Gudiddiisa fulinta iyo Golaha Dhexe u soo doortaan si daah-furan oo dimuqraadiya.

Qodobka 12aad

Xuquuqda Xisbiyadda Qaranka

Xisbiyada Qaranka ee la siiyey shahaadada xisbinimo Qaran, waxay xaq u leeyihiin:-

  1. a) Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta Qaranka, waxayna yeelan karaan warbaahin u gaar ah markey ogolaansho ka helaan hey’adaha ku shaqada leh.
  2. b) Inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
  3. c) Inaan la cabudhin karin masuuliyiinta xisbiyada ciidamada amaankuna aaney gali karin xarumohooda ilaa ogolaasho laga helo maxkamadda awooda u leh,
  4. d) Xisbiyada Qaranka ee mucaaridka ahi way dhaliili karaan xukuumada.
  5. e) Xisbiyadu wixii dacwad ama cabashooyin ay ka tawdaan shaqada Gudidda diwaangelinta iyo Anshaxmarinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan maxkamadda gobolka ee ay cabashadu ka jirto,
  6. f) Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto, waxay racfaan uga qaadanayaan Maxkamadda Dastuuriga ah .

La Soco

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker