Dibadbaxyo ka dhan ah colaadda gobolka Canfarta oo lagu qabtay Jigjiga

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo weeraradii dhawaan ka dhacay gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Shaley, waxaa gobolka Canfarta sidoo kale lagu qabtay dibadbaxyo looga soo horjeedo dilalka ka dhacay halkaas.

Dadweynaha waxay ka xun yihiin dagaallada dadka rayidka ah ay ku dhinteen oo ka dhacay xadka u dhexeeya Dowlad Deegaanka iyo Canfarta.

Dhawaan ayay aheyd markii in ka badan 15 qof lagu dilay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar oo ku dhexmaray xadka Itoobiya ay la wadaagto Jabuuti.

Maamulka gobolka Canfarta wuxuu ku eedeeyay in weerarkaas ay ka dambeeyeen ciidammo kasoo tallaabay dhinaca Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker