Midowga Afrika oo ka walaacsan faragelinta lagu haayo Somaliya

Musa Faki Mahamed, Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa walaac waxa uu ka muujiyey farogelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya, xilli uu magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

Qoraal kasoo baxay xarunta dhexe ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Faki iyo Kheyre ka wada hadleen arrimaha amniga, siyaasadda, doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, xalinta khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.

 

 

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in fara gelinta shisheeye ee Soomaaliya ay carqalad weyn ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta dalka ka socda.

“Waxay fara gelinta khatar ku tahay guushii adkeyd ee laga gaaray howlgalkii wadajirka ahaa ee ciidanka Soomaaliya iyo Amisom walaac ayaan ka qabnaa arrintaasi, Soomaaliya iney madax bannaani hesho waa muhiim.” ayuu yidhi Musa Faki.

 

 

Musa Faki Mahamed ayaa ka dalbaday madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya iney sii xoojiyaan dedaallada ay ku doonayaan in lagula dagaallamo Musuqa.

 

 

Somaliya ayaa waxa ay fara gelin kala duwan kala kulmaysa dalal dhawr ah oo kuwa Gobolka ay ku jiraan.

 

Musa Faki Mahamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker