Wafti ay Hogaaminayaan Madaxwaynayaasha Oromada Iyo Somalida Oo Gaadhay Magaalada Dhagax-buur. + Sawirada
Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur Wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminayeen Madaxwayne Mustafe Cagjar iyo Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya.
Wafdigan ayaa ka koobnaa mas’uuliyiinta labada degaanba kasoo jeeda, Odayaal dhaqameedka kasoo jeeda lambada deegaanba iyo marti kale ayaa ka mid ahaa waftiga isdhexgalka ee labada Qoomiyadood. waxaana wafdiga soo dhawayn kala hortegay shacabka magaalada oo yar iyo waynba isugu jiray.
Wafdiga ayaa inta ay Dhagax-Buur joogaan kulamo la qaadan doona Shacabka magaalada, Wafdiga ayaa lagu wadaa in ilaa maanta ay halkaa ku sugnaadaan.