Natiijada Afti Qowmiyadda Sidama ee Ethiopia oo Lagu Dhawaaqay November

98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan.
Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah.
Aftidan laga qaaday Sidama iyo Natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay Xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku Xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka.
Hadaba Maxay Natiijadan uga dhigantahay Ethiopia? Xageese uu ku dambeeyay halgankii qowmiyadaha qaar ay ugu jireen in ay gooni isaga taagaan Ethiopia?