Daawo: Xukuumada JSL Oo Jawaab ka Bixisay Hadal ka soo yeedhay Raiisul wasaare ku xigeenka Somalia
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Raβiisul-wasaare Ku-xigeenka Dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya. Kaasi oo sheegay in shacabka reer Somaliland aanay u middeysnayn madax-bannaanida Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta oo caawa shirjaraaβid ku qabtay xafiiskiisa ayaa Β tilmaamayΒ in Raβiisul-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya uu yahay nin shaqo tagay, waxaannu yidhi βRaβiisul-wasaare Ku xigeenka Soomaaliya waa nin reer Somaliland ah oo sida aan anigu aqoonsannahay u shaqo tagay halkaas. In badan oo u shaqo tagtay Soomaaliya way jirtaa laakiin ereyga inankaas ka soo yeedhay wali madaxdii reer Somaliland ee Soomaaliya tagaysay ee xilka u doonanaysay lagama hayo midna, haddii ay tahay odayaashii waaweynaa ee ilaa hadda iska joogga (Soomaaliya) ku daalay ee soo noqon kari waayey iyo haddii ay tahay kuwii xilalka ka soo qabtay ama Raβiisul-wasaare ku-xigeen ha lagu magacaabo ama Waiirroβe, ragga halkaas tagay ereyga intaas leeg wali may odhan inankaasi wuxuu yidhi βDadka reer Somaliland inta badani Soomaali weyn ayey doonaysaa ee waa la cabudhinayaaβ waxaan leeyahay hadalkaaga sumad u yeelo. Beri baa la arki doonaa adigoo leh ha la I saamaxo. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in aanay Soomaaliya waxba kugu gaadhin.β
βErayga intaas leeg ee aan wali hore loo odhan waxa muuqata in dhallinyaronimo laguu adeegsanayo. In badan baad Somaliland soo joogtay oo nin nala gado ah ayaad tahay, nin wixii Somaliland soo martay og baad tahay ninkii ereyadaa kaamaanu eegaynin aad shaqo tagtide. Waxaan u malaynayaa garaadkaaga ayaa ku siiyey,βayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Md. Maxamed Muuse wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo 28 jirsaday, horena u jiri jiray, Β imikana kaabiga u saaran in la aqoonsado oo caalamku xidhiidh la leeyahay.
βUmmadda reer Somaliland waa mid waanay u middaysan yihiin qaddiyadooda.waxaanan kugu boorinayaa inaanad been ka sheegin ummadda reer Somaliland iyagaana kuu jawaabi doona,βayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
https://youtu.be/HdOnjPfCFXg