Baarlamaanka Federaalka Somalia Oo Wasiirka Arrimaha Dibada Su’aalo ka Waydiiyay Eedihii Wargeyska New York Times ka Qoray Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowlada Federalka Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xidhiidha qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka isagoo sheegay inay ka mid ahayd warka uu qoray wargeyska New York Times ee la xiriiray qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in wasiirku sheegay in Dowladda Qater ay arintaasi iska fogaysay waxba kama jiraana ku tilmaantay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in arintaas baaritaan rasmi ah lagu sameeyo kadibna la horkeeno Golaha shacabka si ay go’aan uga qaataan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker