War Degdeg ah: Saxafiyiin Loodiidey Inay Cusbitaalka Ceergaabo Booqdaan
Ceerigaabo(OWN) Ciidammo millateri u badan ayaa afaafka hore ee cusbitaalka guud ee Ceerigaabo waxay koox suxufiyiin ah ka hor istaageen inay galaan gudaha cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, waxana askarta goobtass ku sugani saxafiyiinta u sheegeen inay amar ku qabaan inaanay cidina gelayn cusbitaalkaas.
Lama garanayo sababta saxaafadda looga hor istaagey cusbitaalka Ceerigaabo waxase loo aanayn karaa inay arrintani salka ku hayso dagaal waddada Tabca ee buuraleyda waqooyiga Ceerigaabo ku dhexmaraya jabhadda Col-Caarre hoggaaminayo iyo ciidammada xukuumadda.
Oodweynenews.com/Ceerigaabo