Amy Coney Brett oo Loo Dhaariyay Gudida Maxkamadda Sare ee Maraykanka

Aqalka Senateka ee Congresska Maraykanaka ee xisbiga Jamhuurigu uu ku badan yahay ayaa Isniintii shalay madaxweyne D. Trump siiyey guul doorashada ka hor ah,

 

ka dib markii ay ansixiyeen Haweenaydii uu u soo xulay inay garsoore ka noqoto maxkmadda Sare, Amy Coney Barret.

 

 

Ansixintan ayaa Maxkmadda Sare ka dhigeysa mid garsoorayaasha aragtida muxaafidka ah haystaa ay ku badan yihiin, kuwaas oo noqonaya 6, halka kuwa aragtidoodu furfuran tahayna ay yihiin 3.

 

 

Xubnaha Aqalka Senateka ayaa mid walbaa xisbigiisa la codeeyey markii la ansixinayey Miss Barret, xilkan oo ah mid abadi ah. Waa ansixintii 3aad ilaa intii Madaxweyne Trump uu xilka hayey.

 

 

Talaabadan ayaa guul u noqonaysa Madaxweyne Trump, oo kaalmo ka helaya hogaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Sare ee Congresska Mitch McConnell.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker