Aas Wadareed Muqdisho Loogu Sameeyay Dhalinyaradii Xalay ku Nafwaayay Qarixii Muqdisho
Allaha ha u Naxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka ee Caasimadda Somalia ka dhacay aaska siddeed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin ah.
Oo lala beegsay Maakhayad ama goob lagu nasto oo Loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.
Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Weerarkaan xalay lala beegsaday goobtaan lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dad kale oo dhaawacyo ka soo gaareen, iyadoo lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Muqdisho