Duqeyn culus oo Lala dhacay Deegaano ka mida Maamulka Puntland
Boosaaso (OWN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay oo Weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado gobolka Bari ee Puntland.
Goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa lala beegsaday duqeyntaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland.
Sida ay saraakiishaas xaqiijiyeen Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday Madarshaan oo u dhaxeeya Magaalada Boosaaso iyo Galgala.
Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo ku garaaceen saldhig ay leeyihiin Daacish waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin Maamulka Puntland duqeymaha lala beegsaday saldhigyada Daacish iyo khasaaraha ka dhashay.
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka, iyo kuwa Faransiiska ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sanadkaan maanta ay ugu dambeyso laba jibaaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, waxayna ciidamada Mareykanka saldhig weyn ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle.