Dad ku dhintay duqeyn uu Ruushka ka geystay Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa duqeeyay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka Ukraine, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof kadib markii diyaaradaha Drones-ka ay duqeeyeen dhismooyin ay dad dagan yihiin oo ku yaalla caasimadda Kyiv.

Sidoo kale goobaha ay duqeeyeen waxaa kamid ah iskuul gaar ahaan qeybta ay ardeyda jiiftaan.

Qararxyo ayaa laga maqlayay magaalada dekedda leh ee Sevastopol.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ku sugan gobolka Crimea ee uu Ruushka heysto ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ukraine.

Madaxa maamulka Ruushka , Mikhail Razvozhaev ayaa sheegay inay burburiyeen saddex kamid qalabkii lala damacsanaa in lala beegsado maraakiibtooda yaallay badda madow isla markaana aysan waxyeello soo gaarin maraakiibta dagaalka ee Ruushka.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca militariga Ukraine, oo sheegay horaantii toddobaadkan in ay burburiyeen gantaalo la doonayay in lagu garaaco maraakiibtooda oo ku sugnaa xarunta tareenada ee Dzhankoi ee waqooyiga Crimea.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu soo diray in ka badan 20 “diyaaradaha dilaaga ah ee Drones-ka” iyo sidoo kale gantaalo iyo madaafiic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker