Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Ciyaaraha ee Dalka Jabuuti oo Booqasho ku Yimid Hargaysa

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa caasimadda Hargeysa kusoo dhaweeyay wefdi uu hogaaminayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Maxamed Kaamil kuwaas oo u yimi inay ka qayb galaan munaasibadda furitaanka tarkanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimadda Somaliland ee Hargeysa kusoo dhaweeyaan wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Jabuuti. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin laba dal oo walaalo wax badana ay ka dhexeeyaan.

Geesta kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalka Jabuuti Xasan Maxamed Kaamil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida walaalnimada ah ee loogu soo dhaweeyay dalka JSL isagoo sheegay inay dalka u yimaadeen ka qaybgalka tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee Maalinta beri ah ka furmi doona Caasimadda JSL ee Hargaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker