Musharaxii Ugu Cad-cadaa Doorashada Jubaland Oo ku Dhintay Weerarkii Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Cas Caseey.

Weerarka lagu qaaday Hotelka Cas Caseey ayaa lagu dilay qaar kamid ah dadkii ku sugnaa, waxaana dadka weerarka lagu dilay ku jiray Siyaasiyiin, Musharax Madaxweyne , Wariyaal iyo dad kale oo magac leh.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka weerarka Kismaayo ku dhintay uu ku jiro Musharaxii ugu cadcadaa ee doorashada Madaxweynanaha maamulka Jubbaland Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo maalmo ka hor tagay Kismaayo kana waday olole.

Musharaxa ku dhintay weerarka ayaa horey usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaabka Soomaaliya , waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiir Kuxigeenkii Howlaha Guud & Dib u Dhiska .

Wararka ku saabsan dadka ku dhintay weerarka magaalada Kismaayo wali ka socda ayaa ah mid isa soo taraya, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Hotelka la weeraray oo ahaa mid caan ah waxaa degnaa Masuuliyiin, Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, Musharaxiin Madaxweynaha Jubbaland, Siyaasiyiin , dad ka shaqeeya Hay’ado iyo Qurbo joog.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker