Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinta berri ah booqan doona Dalka DJibouti.

Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqanaya Jamhuuriyaddaย  Jabuuti.

Warkan waxaa warbaahita u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo sheegay in madaxweynuhu maalinta berri ah u socdaali doono dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka noqon doona Wasiiro, Xildhibanno iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu imanaya xilli todobaadyadii ugu danbeeyayba uu jiray mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhax-galay labada dowladdood Soomaaliya iyo Jabuuti kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, waxaana filayaa in booqashadan jawaab u noqoto tabashada dowladda Jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker