Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Twitterkiisa Ku Baahiyey War Ka Nixiyey Boqortooyada Sucuudiga

Trump ayaa sheegay in dowladda Sucuudi Careebiya ay doonto lacagta dib u dhiska dalka Syria ee ay dagaaladu halakeeyeen, inkasta oo uusan bixin faah-faahin.
Hadallada Trump ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu Twitter-kiisa ku xaqiijiyey in ciidamadiisa oo gaaraya 2,000 uu kala soo baxayo Syria halka uu ku dhawaaqay guulo uu ka gaaray Kooxda Daacish.
Go’aankaas lama filaanka ahaa ee Arbacadii ayaa noqday mid ka horimaanaya qiimeyntii khuburadiisa waxa ayna dhalisay caro ka timi xulufada Washington.
Isniintii, isaga oo mar kale dadka ka yaabinaya, Trump waxa uu sheegay in Riyaad ay taageero u fidin doonto Syria ka bixintaanka ciidamada Mareykanka kaddib.
“Sucuudiga waxa ay hadda ogolaadeen in ay dhaqaale macquul ah ku bixiyaan dib u dhiska Syria, badalkii Mareykanka. Ma aragtaan? Ayuu Trump qoray.