Horu mar Laga Gaadhay Wada hadaladii Colaadda Dalka Afghanistan
Shir aan caadi ahayn oo ay ka qeyb-qaateen ururka Taliban iyo dhinacyo kale oo ay ku jirto dowladda Afghanistan ayaa lagu heshiiyay “geedi-socod nabadeed” oo soo dedejin karo in la soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka sano socday.
Warsaxafadeed laga soo saaray shir maalmo socday ayaa lagu sheegay in la soo afjaro dhibaatada loo geysanayo dadka rayidka ah isla markaana la ilaaliyo xuquuqda dumarka, iyadoo loo marayo “hanaan waafaqsan sharciga Islaamka”.
Hadalkan ayaa soo baxay iyadoo Maraykanka iyo Taliban ay wadaan wadahadal gooni ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Afghanistan.
Maraykanka ayaa xukunka ka tuuray ururka Taliban sanadkii 2001-da.
Maalin kaddib ayaa la filayaa inuu billawdo wareeggii toddobaad ee wadahadallada u dhaxeeya Maraykanka iyo Taliban. Waxaa la filayaa in labada dhinac ay ku heshiiyaan in ciidammada Maraykanka ay Afghanistan ka baxaan marka la siiyo ballanqaad ah in dalkaasi aan loo adeegsan doonin inuu xarun u noqda argegixisada.
Talibanku waxay diideen inay wadahadal toos ah la galaan dowladda Afghanistan, ilaa inta Maraykanka uu ku dhawaaqayo jadwalka uu uga baxayo dalkaas.
Balse shirkii ugu dambeeyay ee Qatar ee ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda ayaa loo arkaa inay waddada u xaari karto wadahadallo rasmi ah oo mustaqbalka dhex-maro labada dhinac.
“In dad reer Afghanistan ah ay la kulmaan ururka Taliban ayaa ah arrin guul weyn laga gaaray,” ayuu yiri Zalmay Khalilzad oo ah madaxa wafdiga wadahadallada Maraykanka.
“Kani waa heshiis lama dhihi karo, balse wuxuu u horseedi karaa in la wada-hadlo,” sidaas waxaa tiri Mary Akrami, oo madax ka ah urur ay leeyihiin haweenka Afghanistan.
Tiro ka badan 45,000 oo ciidammada ammaanka ah ayaa lagu dilay Afghanistan shanti sano ee la soo dhaafay.