Ciidamada Itooobiya oo mar kale duqeeyey caasimadda Tigray

Wararka ka imanaya magaalada Mekelle, ee is maamulka Tigreega ee waqooyiga Itooobiya, ayaa sheegaya in halkaasi ay duqeeyeen diyaarado saaka aroortii, sida uu sheegay Tv ay maamulaan jabhadda TPLF.

Magaalada xarunta u ah gobolka Tigreega, ayaa markii labaad waxaa ka dhacey duqeymo toddobaad gudihiis.

Goobjooge ayaa  sheegay in duqeyn hawada ah ay magaalada ka dhacdey aroortii, abaarihii 10:20 oo barqanmo, iyadoo bartilmaameedka duqeymahaasi ay ahaayeen xarunta laga raaco basaska iyo enginer-riyadda ee Mesfin.

Laakiin waa wax adag in si madax bannaan loo caddeeyo faah faahinta ku saabsan duqeyntan, maadaama gobolkani dhanka war isgaarsiinta uu aad u liito.

Isniintii dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay iney hawada ka duqeysay goobo ay yaallaan hub iyo war isgaarsiin.

Si kastaba ha ahaatee, goob joogeyaal iyo dhakhaatiir, ayaa   sheegay   in duqeynta hawada ay dishey saddex qof oo raiyd ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker