Wararka laga helayo Deegaanka Tukaraq ayaa Sheegaya in Madaafiic leysku weydaarsaday Jiidda hore ee Tukaraq
Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in madaafiicdan oo soctay dhowr daqiiqo sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu ku geeriyooday madaafiicdan leysku tuurtuuray halkaa tiro kale oo askar ah ay ku dhaawacmeen.
Deegaanka Tuka Raq oo bilihii ugu danbeeyayba ay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somalialnd wali waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada dhinac, inkastoo ay jiraan baaqyo caalami ah oo loo soo jeedinayo labada maamul oo laga codsaday in colaada ay ku badalaan wada hadal.
Ma jiro wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo la xidhiidha madaafiicdan ugu danbeysay ee la sheegay in leysku weydaarsaday aagga dagaalka.Wixii Warar ah ee kasoo Kordha waanu idiin soo gudbin doonnaa